10-ka Deeq Waxbarasho ay Ardayda Soomaaliyeed ka fa’ideysan karaan 2025–2026

deeqahan hadda waad isku sii diyaarin kartaa

8/1/20252 min read

Halkan hoose waxaad ka helaysaa 10 deeq waxbarasho oo caan ah oo qaarkood hadda furanyihiin qaarna ay dhowaan furmi doonan , kuwaas oo ardayda Soomaaliyeed ka faa’iideysan karaan. Waxaa muhiim ah in ardaydu is diyaariyaan xilligan, iyadoo la diyaarsanayo CV, warqadda ujeedada (SOP), warqado tixraac, iyo dukumentiyada kale ee la xiriira codsiga.

1. 🎓 Chevening Scholarship (UK)

* Sharaxaad: Deeq dhameystiran oo UK laga barto heer Master ah, la siiyo hoggaamiyeyaasha mustaqbalka.

* Dalalka la geeyo: UK

* Waqtiga la furo: September 2025

* Deadline: November 2025

* Faa’iido: Lacagta waxbarashada, safarka, hoyga, iyo nolol-maalmeedka

2. 🇹🇷 Türkiye Burslari Scholarship (Turkey)

* Sharaxaad: Deeq waxbarasho oo buuxda oo Turkiga laga barto, laga bilaabo Bachelor ilaa PhD.

* Waqtiga la furo: January 2026

* Deadline: February 2026

* Faa’iido: Waxbarasho buuxda, hoy, cunto, lacag bille ah, tigidh safar

3. 🇺🇸 Fulbright Foreign Student Program (USA)

* Sharaxaad: Waxbarasho Master/PhD ah oo loogu talagalay ardayda dalalka soo koraya, si ay ugu bartaan USA.

*Waqtiga la furo: February 2026

* Deadline: May 2026

* Faa’iido: Wax walba waa laga bixinaa — safar, waxbarasho, hoy, caymis caafimaad

4. ##🇨🇳 Chinese Government Scholarship (CSC)

* Sharaxaad: Deeq ay bixiso dowladda Shiinaha oo lagu barto jaamacadaha CSC.

* Waqtiga la furo: December 2025

* Deadline: March 2026

* Faa’iido: Waxbarasho buuxda + lacag bille + hoy + caymis

5. 🇨🇦 Lester B. Pearson Scholarship (Canada)

* Sharaxaad: Deeq gaar ah oo loogu talagalay ardayda dugsiyada sare ee leh hoggaamin iyo heer waxbarasho sare.

* Waqtiga la furo: September 2025

* Deadline: November 2025

* Faa’iido: Waxbarasho buuxda + hoy + buugaag + kharashaadka nololeed

6. 🇩🇪 DAAD Scholarship (Germany)

* Sharaxaad: Deeq ay bixiso dowladda Jarmalka oo loogu talagalay Master iyo PhD (ardayda ajnabiga ah).

* Waqtiga la furo: July – October 2025

* Deadline: Kala duwan (kala soco website-ka DAAD)

* Faa’iido: Waxbarasho buuxda + lacag bille + caymis + hoy

7. 🌍 UNESCO Poland Fellowship

* Sharaxaad: Tababar cilmiyeed ama Fellowship ay bixiso UNESCO oo lala kaashanayo dowlado kala duwan.

* Waqtiga la furo:* August–September

* Deadline: Ku xiran sanadka iyo programka

* Faa’iido: Safar, hoy, cunto iyo khibrad xirfadeed

8. 🇭🇺 Stipendium Hungaricum Scholarship (Hungary)

* Sharaxaad: Deeq caalami ah oo dowladda Hungary bixiso oo loogu talagalay Bachelor, Master, PhD.

* Waqtiga la furo: December 2025

* Deadline: January 2026

* Faa’iido: Waxbarasho buuxda + lacag bille + hoy

9. 🌍 MasterCard Foundation Scholarship

* Sharaxaad: Deeq ay siiso MasterCard Foundation oo loogu talagalay dhalinyarada Afrika si ay u bartaan jaamacado caalami ah sida University of Edinburgh, McGill, Duke.

* Waqtiga la furo: Kala duwan jaamacad kasta

* **Deadline:** Oct – Dec 2025

* Faa’iido: Waxbarasho buuxda, hoy, iyo wax kasta oo kharash ah

10. 🇰🇷 GKS – Global Korea Scholarship

* Sharaxaad: Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa bixisa deeq waxbarasho heer Bachelor, Master iyo PhD.

* **Waqtiga la furo: September (Bachelor), February (Master/PhD)

* Deadline: Bil gudaheed marka la furo

* Faa’iido: Waxbarasho buuxda, hoy, tigidh safar, lacag bille

#📌 Talo:

> Waa inaad hadda bilaabataa diyaarinta:

* CV casri ah

* Warqad ujeeddo (Statement of Purpose)

* Warqado tixraac (Recommendation Letters)

* Dukumentiyada jaamacadda/dugsiga

* Shahaadada luqadda haddii loo baahdo (IELTS/TOEFL) ama shahaado luqadeed oo kale.