Deeqda Waxbarasho ee Islamic Development Bank (IsDB) 2025
IsDB waxay bixisaa deeqo waxbarasho oo buuxa oo loogu talagalay ardayda ka soo jeeda dalalka xubnaha ka ah IsDB ama bulshooyinka Muslimiinta ee aan xubnaha ka ahayn.
Shucayb Dad Mohamed
4/6/20251 min read


๐ธ๐ฆ IsDB Scholarship 2025 โ Faahfaahin Dhammeystiran
โจ Sharaxaad Guud:
Deeqda waxbarasho ee IsDB (Islamic Development Bank) waa fully funded (Deeq dhamaystiran ) waxaana loogu talagalay ardayda kasoo jeeda dalalka xubnaha ka ah IsDB oo ay Somalia kamid tahay iyo bulshooyinka Muslimiinta ah ee ku nool dalal kale. Waxay daboolaysaa heerarka kala duwan ee waxbarashada sida:
Bachelor's degree
Master's degree
PhD
Postdoctoral Research
Vocational Training (tababaro farsamo iyo xirfadeed)
Ujeeddadu waa in la horumariyo awoodda aqooneed iyo cilmi-baarista ee bulshada Muslimiinta aduunka.
๐ฏ Yaa ka faa'ideysan kara fursaddan? (Shuruudaha):
Waa in aad ka timid dal xubin ka ah IsDB ama bulsho Muslim ah oo aan xubin ka ahayn.
Waa in aad haysato waxbarasho hore oo ku habboon heerka aad codsaneyso.
Rikoodh waxbarasho wanaagsan.
Waa in aad diyaar u tahay inaad dib ugu laabato dalkaga una adeegto kadib markaad dhameyso waxbarashada.
Waa in aad haysato warqad oggolaansho (admission) jaamacad ku taalla mid kamid ah waddamada xubnaha ka ah ama kuwa la oggolyahay.
Codsadayaasha PhD waa in ay hayaan proposal cilmi-baaris oo la xiriira yoolalka horumarka waara (SDGs).
๐ Faaโiidooyinka Deeqda:
Kharashaadka buuxa ee waxbarashada (tuition fees)
Mushahar bille ah si uu u daboolo nolol-maalmeedka
Kharashka safarka (tikidhada diyaarada)
Caymiska caafimaadka
Lacag lagu daryeelo mashruuca cilmi-baarista (PhD & Postdoc)
Tababaro dheeraad ah oo la xiriira kobcinta xirfadaha
๐ Goobaha Waxbarashada (Jaamacadaha):
Waxaa lagu dhigtaa jaamacado ku yaalla waddamada xubnaha ka ah IsDB ama dalal kale oo ay iskaashi leeyihiin.
Waxa muhiim ah inaad haysato warqad oggolaansho jaamacad markaas la aqbalo.
๐ Dukumentiyada Loo Baahan Yahay:
Foomka codsiga oo buuxa (online)
Shahaadooyinka iyo qoraallada imtixaanka (transcripts)
CV ama Resume
Warqadda ujeedada (Motivation Letter)
Warqadaha tixraaca (Reference Letters)
Warqad oggolaansho jaamacadeed (Admission Letter)
Caddeyn ku saabsan in aad kasoo jeedo waddan xubin ka ah IsDB
Haddii aad PhD codsaneyso: cilmi-baaris cad (research proposal)
๐๏ธ Waqtiga Kama Dambaysta ah ee Codsiga:
Waqtiga rasmiga ah lama shaacin weli laakiin codsigu furmi doonaa sanadkan gudihiisa (2025). Waxaa muhiim ah in aad si joogto ah u eegto website-ka rasmiga ah.