Deeqda waxbarasho ee Uk Bixiso ee Chevening Scholarships oo furan
8/12/20252 min read


Fursadda Deeqda Waxbarasho ee Chevening 2026 – UK
Barnaamijkan waa mid ka mid ah deeqaha waxbarasho ee ugu caansan uguna qiimaha badan ee UK bixiso, wuxuuna bixiyaa fursad buuxda oo lacag la’aan ah (fully funded) si aad ugu barato Master muddo labo ama Hal sano ah jaamacadaha UK.
waxa jira arday soomaliyeed oo sanad walba ku guulaysta deeqdaas muhiimka ah kuwaaso wax ka barta jaamacadaha waawayn ee UK.
Maxaa Barnaamijkan Ka Dhiga Mid Gaar Ah?
Waxaa loogu talagalay ardayda kartida leh, hibada badan, iyo mustaqbalka ifaya ee raba inay horumar ka sameeyaan xirfaddooda.
Waxaad ka baran doontaa jaamacad caalami ah oo heer sare ah, adigoon ka walwalin kharashka waxbarashada iyo nolosha.
Barnaamijku wuxuu isku keenaa dhalinyaro hogaamin doona mustaqbalka, kana kala yimid in ka badan 160 waddan oo caalamka ah.
Inta aad joogto UK, waxaad fursad u helaysaa inaad barato dhaqanka UK, la kulanto dad kala duwan, oo aad dhisto xiriirro waara oo faa’iido kuu leh mustaqbalka.
Shuruudaha Guud ee Codsashada Deeqda Chevening 2026.
* Waa inaad tahay muwaadin ka tirsan waddamada ka mid ah liiska Chevening (oo ah 160 waddan) waxaana kamid ah wadamadaas Somalia.
* Waa inaad haysataa shahaadada Bachelor-ka.
* Waa inaad leedahay ugu yaraan 2 sano oo waayo-aragnimo shaqo (2800 saacadood oo shaqo, oo ay ka mid noqon karto tababar, shaqo tabaruc ah, iwm).
* Waa inaad codsataa ugu yaraan 3 koorso oo master ah oo jaamacadaha UK ah, kuna heshid mid ka mid ah dalabyadaas.
* Waa inaad diyaar u tahay inaad dalkaaga ku noqoto ugu yaraan 2 sano kadib markaad dhameysato barnaamijka.
* Barnaamijka waa Master full-time ah, muddo 12 bilood ah.
Faa'idooyinka deeqdan waxbrasho
* waxaa lagaa bixin doona lacagta Jaamacadda.
* Lacag bille ah oo daboolaysa kirada guri iyo kharashyada nolosha (waxay ku xiran tahay haddii aad ku nooshahay London ama meel kale).
* Kharashka safarka Markaad Uk Timaadid iyo markaad ka laabanayso.
* Kharashka fiisaha UK.
* Lacag markaad UK timaado si aad u bilowdo nolosha.
* lacago kale oo jeeb galis ah.
Dukumentiyada laagaga baahanyahay.
* CV-gaaga
* Baasaboorkaaga saxda ah
* Shahaadada Bachelor-ka iyo nuqul ka mid ah natiijadaada
* Liiska koorsooyinka aad dooratay
* Natiijooyinka Imtixaanka Ingiriisiga (IELTS, TOEFL iwm) – waxaa la gudboon karaa kadib codsiga Jaamacadda.
* Warqad aqbalaad aan shuruud laheyn (unconditional offer) oo jaamacad ka timid
* Laba warqadood oo tixraac ah (reference letters)
* Warqadda dhiirrigelinta (motivation letter)
Waqtiga Ugu Dambeeya Codsashada:
7-da October 2025 waa maalinta kama dambaysta ah ee la gudbin karo codsiga, sidaas darteed diyaarso codsigaaga waqtigaas ka hor..
Link-ga Rasmiga ah ee deeqda - https://www.chevening.org/scholarships/