Pakistan iyo Deeqda Wasaaradda Waxbarashada
Pakistan ayaa deeqdan si weyn ugu deeqday wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, taasoo ka caawinaysa kor u qaadista tayada waxbarashada iyo fursadaha ardayda. Baro sida ay deeqdan u saamaynayso waxbarashada dalka.
Shucayb Dad Mohamed
7/30/20251 min read


Faafin Deeq Waxbarasho oo Heer Jaamacadeed ah (Bachelor & Master) - Sanad Dugsiyeedka 2025/2026
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay deeq waxbarasho oo heerka Bachelor iyo Master ah, taas oo laga helay Dowladda Baakistaan una bilaabanaysa sanad-jaamacadeedka 2025/2026.
Deeqdan waxbarasho waxay fursad dahabi ah u tahay dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee raba inay tacliintooda sare ku qaataan waddanka Baakistaan, iyadoo lagu tartamayo koorsooyin kala duwan oo muhiim ah.
Waqtiga Codsiga:
π Laga bilaabo: 29/07/2025
π Ilaa: 07/08/2025
### Shuruudaha Loo Baahan Yahay:
Heerka Koowaad (Bachelor Degree)
1. Inuu haysto shahaado dugsi sare oo ay wasaaradda aqoonsan tahay.
2. Haddii uu helo 85% iyo ka badan β deeq buuxda.
3. Haddii uu helo 70β84% β deeq 70%.
4. Inuu haysto warqad caafimaad.
5. Inuu haysto warqad denbi laβaan (CID).
6. Inuu haysto warqadda dhalashada iyo sugnaanta.
7. Inuu haysto baasaboor shaqeynaya ugu yaraan 1 sano.
8. Inaanu ka weynayn 20 sano.
9. Inaanu laba sano ka badan ka soo wareegin xilligii uu ka qalinjebiyay.
10. Inuu keeno dammiin haddii uu waxbarashadiisa dhammaysan waayo.
Heerka Labaad (Master Degree)
11. Inuu haysto shahaado jaamacadeed oo ay wasaaraddu aqoonsan tahay.
12. 85% iyo ka badan β deeq buuxda.
13. 70β84% β deeq 70%.
14. Inuu haysto warqad caafimaad.
15. Inuu haysto warqad denbi laβaan (CID).
16. Inuu haysto asluub wanaagsan.
17. Inuu haysto warqad dhalasho iyo sugnaan.
-Koorsooyinka la Bixinayo:
Kulliyadaha Heerka Koowaad (Bachelor's Degree):
* Information Technology
* Business Administration
* Physiotherapy
* Pharmacy
* Dental Technology (Dumar kaliya)
* Dermal Sciences
* Medical Laboratory Technology
* Nutrition and Dietetics
* Optometry
* English
kulliyada Heerka Labaad (Master's Degree):
* Information Technology
* Business Administration
* Physiotherapy
* Pharmacy
* Sciences (Math, Physics)
* Nutrition and Dietetics
* Optometry
* English
--Sida Loo Codsado:
Ardayda danaynaysa fursaddan waxaa lagu wargelinayaa inay buuxiyaan foomka codsiga oo lagu heli karo mareegaha rasmiga ah ee Wasaaradda Waxbarashada.
https://scholarship.moe.gov.so/auth/signin
Fursaddani waa mid gaar ah oo xadidan β ha moogaan!