Deeqda Waxbarasho ee Dowladda Ireland 2025 (Government of Ireland International Education Scholarship)

Deeqdan waxbarasho waxaa maalgelisa Dowladda Ireland oo ay ka qayb qaadanayaan hay'adaha waxbarashada sare ee Ireland. Waxaa loogu talagalay ardayda caalamiga ah ee leh karti sare, kuwaas oo doonaya inay dhigtaan heerarka Master's ama PhD ee jaamacadaha Ireland.​

Shucayb Dad Mohamed

4/6/20251 min read

1. Magaca Deeqda:

Deeqda Waxbarasho ee Dowladda Ireland 2025 (Government of Ireland International Education Scholarships)

2. Sharaxaad Kooban:

Dowladda Ireland waxay bixisaa deeqo waxbarasho oo buuxa sanad walba kuwaaso iskugu jira (Bachelor, Master, ama PhD) si loogu dhiirrigeliyo ardayda caalamiga ah ee leh waxbarasho heer sare ah ee doonaya inay wax ku bartaan Jaamacadaha Ireland. Ujeedadu waa in la xoojiyo sumcadda Ireland ee tacliinta sare ayna aduunka uga hesho arday ay waxbartay.

3. Jaamacadaha

Ardayda ku guulaysta deeqdan waxay gali doonaan Dhammaan Jaamacadaha Ireland ee ay aqoonsan tahay Hay’adda Tacliinta Sare ee Ireland (HEA), oo ay ka mid yihiin:

  • Trinity College Dublin

  • University College Dublin

  • National University of Ireland, Galway

  • University College Cork

  • Dublin City University

  • Maynooth University

  • Technological University of the Shannon

  • Iyo jaamacado kale oo HEA hoos yimaada

4. Shuruudaha Deeqda:
  • Waa in aad tahay muwaadin ka socda dal aan EU/EEA ahayn

  • Waa in aad haysato oggolaansho jaamacadeed oo rasmi ah

  • Waa in aad leedahay heer waxbarasho oo wanaagsan

  • Kartida isgaarsiinta iyo dhiirigelin inaad wax ku barato Ireland

  • Diyaar inaad noqoto safiir sumcad u leh barnaamijka

Faa’iidooyinka Deeqda

  • Waxbarasho lacag la’aan ah

  • €10,000 gunno nolosha sanadkii

  • Fursad aad ku biirto shabakadda ardayda caalamiga ah ee Ireland

5. Waqtiga Ugu Dambeeya ee Codsiga:

Bisha Maarso 2025 (Taariikhda rasmiga ah waxaa lagu dhawaaqi doonaa HEA)

6. Link-ga Rasmiga ah:

👉 Booqo Bogga Rasmiga ah ee Deeqda Ireland